Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Qardho

January 10, 2018 - Written by Editor

Qardho:-Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Puntland Dr.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa la filayaa saaka in ay safar shaqo ku gaaraan magaalada Qardhoee xarunta Gobolka Karkaar.

Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa aad loogu diyaar garoobay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaan shacabka iyo masuuliyiinta Gobolka Karkaar ay wadeen maalmihii u danbeeyey diyaar garow balaadhan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda.

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo aya waxaa uu ku si hakan doonaa magaaloyinka u dhexeya Garoowe iyo Qardho waxaan uu la kulmi doonaa shacabka iyo masuuliyinta Puntland.
Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale u si rasmi ah u dhagax dhigi doonaa waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.

Dhinac kale Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa magaalada Qardho uga gudbi doona magaalada Boosaaso exarunta ganacsiga Puntland waxaan uu ku hakan doonaa magaalooyinka u dhexeeya Qardho iyo Boosaaso oo si wanaagsan loogu diyaar garoobay

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online