Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado

January 15, 2018 - Written by Editor

Cadaado:-Madaxweynaha JFS  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug .

Wafdiga Madaxweynaha ayaa safar dhinaca dhulka ku tagay magaalada Cadaado isaga oo ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Cadaado dadweyne aad u fara badan oo waddooyinka taagnaa, iyaga oo lulaya calanka Soomaaliya  iyo Caleemo qoyan .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gelibiyay Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo  ay kula kulmayaan Madaxda labada gole ee Maamulka Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Ammaanka guud Degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa si aad ah loo adkeeyay, amaanka waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay u sii gudbaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

A/Cawale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online