Madaxweyne Farmaajo “Dowladda Federaalku waxay dadaal dheer gelisay xasilinta deegaannada Galmudug”

January 15, 2018 - Written by Editor

Gaalkacayo:-daxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay go’antahay Nabadeynta Gaalkacayo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahu Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobolada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira, Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaagu Mudane Madaxweyne.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobolada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo Nabadda iyo is dhex-galka Bulshada.

“Maadaama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay, Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna Nabad iyo horumar gaareen.

Munaasabadda soodhaweynta ah waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdulqaadir.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

 

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online