Madaxweyne Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Afrika (Masawiro)

January 29, 2018 - Written by Editor

Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shir-Madaxeedka 30-aad ee Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa, waxaana uu la kulmay Madaxweyneyaasha waddamo ay Soomaaliya xiriir dhow leeyihiin, iyaga oo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa dhiggiisa Jabuuti uga mahadceliyey dadaalka badan ee uu galiyey dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo garab istaagga ay muujiyaan mar walba. Madaxweyne Geele ayaa dhiniciisa ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya isaga oo adkeeyay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Ciidamada Soomaaliyeed, arrintaasna ay Jabuuti kaalin weyn ka qaadan doonto.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashiir ayaa inta badan looga hadlay dhismaha Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhisidda Ciidanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay kabsasho fiican sameysay sannadihii ugu dambeeyey, walina ay jiraan qorshayaal la rabo in laga caawiyo sidii loo dhammeystiri lahaa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan kulankii ay yeesheen waxa ay isku soo qaadeen xaaladda Koofurta Suudaan. Si gaar ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane Salva Kiir ka wareystay Xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Koofurta Suudaan.

Madaxweynaha Koofurta Suudaan waxa uu ammaanay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkiisa kunool, waxa uuna sheegay in ay horumarka Koonfurta Suudaan gacan weyn ka geysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn, labada Masuul ayuu Madaxweynuhu mid kasta kala hadlay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka shaqeynta xasilinta Soomaaliya.

Madaxweyne Famaajo waxa uu la kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya iyo Burundi ay isdhaafsi ganacsi samaystaan. Mudane Sindimwo ayaa sheegay in Ciidamadooda jooga Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan Nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, isagoo sheegay in Madaxda Afrika uu la kulmay ay isku afgarteen in Ciidamada Soomaaliya la taageero.

Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi ayaa ku casumay Madaxweyne Farmaajo shir bisha Abriil ee sannadkan ka dhici doona Burundi, oo ay yeelan doonaan dalalka ku bahoobay Ururka COMESA, Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaaddaas.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online