Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Mudug iyo Galguduud.[Masawiro]

January 16, 2018 - Written by Editor

Cadaado:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Cadaado boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaalia.

Madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyey Xarunta Madaxtooyada magaalada Cadaado ayaa halkaas kula hadlay shacab-weynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, isagoona ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii aan u xoojin lahayn maamulkan, kuna hormarin lahayn deegannada Galmudug, annaga oo u hureyna dadaal kasta oo aan awoodno, idinkana waxaa la idin ka rabaa in aad sii laba laabtaan dadaalkiina.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa galinkii hore ee maanta waxa uu ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay si weyn u soo dhaweyeen shacabka ku nool Saddex Higlo, Bandiiradley, Ceel Akhwaan, Dagaari iyo Gelinsoor kuwaas oo marin u ah jidka dheer ee isku xira Gobollada Mudug iyo Gal-guduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:media@presidency.gov.so

 

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online