Madaxweyne Farmaajo oo socdaalka dib u heshiisiinta ku maray Balanballe, Xeraale, Huurshe iyo Caabudwaaq[Masawiro]

January 20, 2018 - Written by Editor

Caabudwaaq:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Degmada Cabudwaaq. Madaxweynaha oo saaka kasoo ambabaxay magaalada Guriceel ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabkii isugu soo baxay deegaannada uu socdaalka ku soo maray, isagoona kula dardaarmay in ay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda.

Madaxweyne Farmaajo oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka ku dhaqan magaalada Cabudwaaq ayaa yiri “Waxa uu socdaalkeennu yahay nabadeeyn iyo dib u heshiisiin taas oo ay calaamad u tahay midowga Ahlu Sunna iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku faraxsanhy sida ay labada dhinac isugu tanaasuleen. Runtii taas waa wax lagaga dayan karo, ayna tahay in ay magaaladan ka bilaabato.”

Madaxweynaha oo safar kusoo maray Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe ayaa u sheegay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in horumar kasta oo laga hirgelinayo deegaannadan uu ku xiranyahay sida ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay waxa uu socdaal ku marayey qeybo ka mid ah Goballada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguduud, isagoona u kuur galayey baahiyaha nololeed ee bulshada ku dhaqan gobolladaas.

Socdaalka maanta waxaa Madaxweynaha ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online