Madaxweyne Farmaajo “Rajada aan qabo waxa ay tahay in ardayda waxbaratay ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalka”

January 9, 2018 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ardayda kula hadlay Hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe ayaa yiri “Rajada aan qabo waxa ay tahay ardayda waxbaratay oo aan aaminsanahay in ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalkooda, kuna horumarin karaan. Maxaa yeelay dhallinyaradeenna waxa ay ka yihiin bulshada in ka badan 70%, taasina waa rajo aad u weyn.“

Madaxweynaha ayaa xusay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal iyo sabar badan, una soo dhabar adaygeen duruufo waxbarasho oo aad u adag, haatanna looga baahanyahay in ay shaqada ka soo bilaabaan asaaska si ay khibrad iyo waayo aragnimo u yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigaliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u tashadaan sidii dalkooda ay u dhisan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in ay Dowladdu soo nooleynayso kaalinta culimada iyo odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo oo la ilaaliyo. Waxa uu intaas ku daray Madaxweynaha in isfahamka odayaasha dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta uu asaas u yahay nabadda iyo dib-uheshiisiinta dalka.

Markii ay soo idlaatay munaasabaddani ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu guryaha ay ka deggenyihiin magaalada Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online