Nadwo Cilmiyeed si habsami leh uga socota magaalada Kismaayo (Masawiro)

January 18, 2018 - Written by Editor

Mu,tamarkii 1aad ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa si habsami leh u socda waxaana aad u soo camiray Nadwada dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Culumada ayaa waxaa ay Nadwada ay wadaan ku garab wadeen kulamo goonigooni ah oo ay la qaadanayeen waxgaradka ,ganacsatada ,Odayaasha dhaqan iyo bulshada raiydka ah waxayna kala hadlayeen midnimada umada Soomaaliyeed iyo ka fogaanta qabyaalada.

Culumada ayaa waxaa ay u kala jiheysteen masaajidada magaalada Kismaayo iyaga muxaadarooyin kala duwan ka jeediyey waxaa ka mid ahaa Masaajidada ay muxaadarooyinka ka jeesheen.

1. Masjidka Xamsa waxaa ka soo jeediyay Sheekh Muxamed Mucalim
2. Masjidka Attaqwaa(Suuq yaasiin) waxaa ka soo jeediyay Diktoor Cabdiweli Sheekh Muxamed Xaaji yuusuf.
3. Masjidka Alxmadulillaahi Maxamed Aadan Waadi
4.Masjidka Epress Sheekh Abuu Xasaan
5. Maajidka Xareed yaroow (Guulwade) sheekh Mukhtaar Axmed Faarax
6. Dersiga Tooska ah Ee Tvga waxaa galay Sheekh Muxamed Mucalim iyo Sheekh Abuu Xasaan.

Nadwadii xalay waxaa looga hadlay dulmiga iyo khatartiisa waxaana ka hadlay culumada kala ah
1- sheekh Umal oo ka hadlay Xaqiiqda Gardarada(Dulmiga)
2- Sheekh Cabdinaasir oo ka hadlay raadadka xunxun ee gardarada ay reebto
3- Sheekh Axmed Cabdisamad oo ka hadlay Ciribdambeedka Dulmiga
4-Waxaa dersi toos ah ka galay shalay galabtii TVga jubaland Sheekh Maxamed Macalim iyo Sheekh Abuu Xasaan.

Dhanka kale culumada ayaa kulan balaaran uu ay ku qabteen Masjidka Xaaji jaamac kulankaa oo loo qabtay ardayda Macaahida Sharciga ah waxaana wacdi qiimo badan u jeediyey Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, Sheekh axmed Cabdismad iyo Sheekh Abuu Xasaan.

 Odayaasha dhaqanka iyo Nabadoonada ayaa waxaa ay culumada u qabteen kulan ay kala hadlayeen midnimada umada Soomaaliyeed iyo ka fogaanta qabyaalada waxaana kalimad kooban u jeediyey Sh Bashiir Axmed Salaad,Maxamed Umal, Sheekh Axmed Cabdismad, Sheekh Maxamed Macalin .

Halgan.net
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online