Nadwo ka socotay Kismaayo oo la soo gaba gabeeyey iyo bayaan laga soo saaray.[Masawiro]

January 19, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Waxaa caawa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Nadwo cilmiyeed diini ah oo mudo usbuuc ah ka socotay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaan Nadwadaan ka qayb galay qaar ka mid ah culimada Soomaaliya ugu waaweyn waxaan ay dadweynaha reer Kismaayo u jeediyeen Muxaadaraad diini ah iyagoo dhamaan inta badan masaajida ku yaal Kismaayo iyo goobaha waxbarshada kala duwan ka jeediyey muxaadaraad iyo duruus kale duwan.

Culimada ayaa waxaa ay saaka salaadii Jimce ay Khudbooyin kale duwan ka kala jeediyeen masaajidaa waaweyn ee magaalada waxaa ay khudbooyinka ay ka jeediyeen ilaa 10 masjid oo ay uga hadleen dhibaada qabyaalada iyagoo ugu baaqay shacabka in ay walaaloobaan ayna dabar gooyaan qabyaalada ragaadisay shacabka Soomaaliyeed.

Masaajidda ay culimadu ay ka jeediyeen khudbooyinka ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Masjidka Cumar bin khadaab Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Sheekh mukhtaar Axmed Faarax

2. Masjidka Cibaadu raxmaan Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Sheekh Maxamed Aadan Waadi

3. Masjidka Ibnu Cabaas Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Sh. Abuu Xasaan

4. Masjidka Nuurul Islaam Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Diktoor Haaruun Sheekh Xuseen

5. Masjidka Jaamacul qadiim Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Sheekh Bashiir Axmed Salaad

6. Masjidka Xamsa Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

7. Masjidka Xareed yaroow (guulwade) Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Sheekh Axmed Cabdisamad

8. Masjidka Attaqwaa(Suuq yaasiin) Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Dr. Cabdiraxmaan Baarakallah.

9. Masjidka Cusamaan bin Cafaan Diktoor waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Cabdiweli Sh. Maxamed Xaaji Yusuf

10. Masjidka Xaaji Jaamac Waxaa ka Aqriyay Khudbadii Jimce Sh. Cumar

Gabagabdii Nadwadii diiniga ahayd ee ka socotay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay culimadu ka soo saareen bayaan ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay qabsadaan xariga Alle ayna ka dhabeeyaan ku dhaqanka shareecadda Islaamka, ayna noqdaan walaalo waxaan ay ugu baaqeen Puntland iyo S/land in ay ka fogaadaan dagaal laga dhex huriyo shacabka soomaaliyeed ee muslinka ah.

Hoos ka Akhriso bayaan ay culimada Soomaaliyeed ka soo saareen Nadwo lagu qabtay Kismaayo

Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online