Wafdi Culimo ah oo gaaray Kismaayo kana qayb qaadan doona Nadwo diini.

January 15, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Waxa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa waxaa gaaray qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed waxaan culimada loogu soo dhaweeyey si weyn iyagoona culimada ay magaalada ka bilaaban doonto Nadwo diini.

Culimada ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxaa ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Madaxda maamulka Jubbaland guud ahaan gaar ahaan madaxweynaha Jubbaland axmed Madoobe oo culimada ku qaabilay Madaxtooyada Jubbaland waxaana ay culimadu ay u jeediyeen dardaaran guud.

Waxaa magaalada Kismaayo mudo usbuuc ah lagu qaban doonaa Mu,tamar weyn oo culimada ka qayb qaadan doonaan insha Allah, waxaa kale oo jiri doona barnaamijyo dacwi ah oo garab socon doona mu,tamarka oo dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan lagula kulmi doono insha allah iyagoo mawaadiic u munaasib culimada ay u jeedin doonaan.

Waxaa kale oo garab socon doono barnaamijtaa Barnaamijka Walaaleenta iyo dabargoynta qabyaaladda oo ah Mashruuc wayn oo in muda ah dalka intiisa badan ka soconaayay iyadoo arrinka walaalaynta bulshada Soomaaliyeed ayaa ka socota Gobolada dalka oo dhan.

Culimada ka qayb qaadan dooona nadwada diiniga ah e tegay Kismaayo waxaa ka mid ah:-

1. Sh.Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Culimada Soomaaliyeed.

2. Diktoor Haaruun Sheekh Xuseen

3. Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed

4. Sh.Axmed Cabdisamad

5. Sh.Xassan M. ibrahim Abuu xasaan

6. Diktoor Cabdiraxmaan Sh. Cabdullahi Barakallah

7. Diktoor Cabdiweli Sh. Maxamed Xaaji Yusuf

8 Sh.Mukhtaar Axmed Faarax

9. Ustaad Mursal Shirwac

10. Sh. Maxamed Aadan Waadi

11. Sh.Maxamed Macalim Axmed

12. Sh.Maxamed Cabdicasiis Ducaale

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sugayaa in uu soo gaary Sh. Muxamed Cabdi Umal oo qayb ka qaadan doona Nadwo diini ah oo culimadu Soomaliyeed ku qaban doonaa maanta oo Axad ah waxaan la rajaynayaa in culimada ay ka faa’iidaystaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online