Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay dhalinyarada.[Masawiro]

January 20, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo Ururada Dhalinyarada Soomaaliyeed. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa dhalinyarada ku soo dhaweeyay kulanka isaga oo sheegay in dhalinyarada ay Wasaaradda muhiimad gaar ah siineyso.

Sidoo kale Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in kulanka uu noqon doono mid bilow u noqda kulmo dhawr ah oo dhalinyarada ay Wasaaradda la yeelan doonto.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhalinyarada la hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay mar walba ka go’antahay taageeridda dhalinyarada.

“Dhalinyarada waxa ay kaalin wayn uga jiraan hawlaha Arrimaha Dastuurka, Wasiirada Dawlad Goboleedyada ee aan shaqo wadaaganahay qaarkood waa dhalinyaro; sidaa awgeed waxaa naga go’an in aan dhalinyarada la sameyno wadatashiyo badan si ra’yigooda loo dhageysto” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, dhalinyaradii kulanka ka soo qaybgashay ayaa talooyinkooda dhiibatay iyaga oo xoogga saaray in dhalinyarada kaalintooda la muujiyo.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online