Ciidanka Amaanka Boosaaso oo Fashiliyey Weerar lagu qaaday Saldhiga Bartamaha

February 6, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab caawa xili lagu jiray Salaada Cishe ay weerar ku soo qaadeen saldhiga bartamaha ee Bosasaso. Weerarka ayaa waxaa uu ahaa Bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxaana xigay Rasaas ay isweydaarsadeen ciidanka amaanka ee ku sugnaa Saldhiga Bartamaha ee magaalada Boosaaso kuwaas oo si adag isaga caabiyey kuna guuleystay in ay sugaan amaanka Saldhiga.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 askari oo uu ku jiro Taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Guud ee magaalada Boosaaso. Saldhiga bartamaha Bosaaso ayaa waxaa ku xiran rag la soo qabtay Usbuucii la soo dhaafay kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo lagu wado in maalmaha soo socda Maxkamad la soo taago Ciidmada ammaanka ayaa goobta soo gaaray waxaana ay haatan wadaan howlgalo lagu sugayo amaanka .

Ilo Wareed ku sugan magaalada Boosaaso ayaa Halgan.net u sheegay in xaalada Magaalada ay tahay mid degan wax dhib ahna uusan ka jirin .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online