Ciidanka Amniga ee magaalada Bosaaso oo dilay nin ku hubaysan Bistoolad

February 22, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada Amniga ee magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa shalay toogtay nin ku hubaysnaa Bistoolad , ka dib markii uu diiday in uu istaago taas oo sababtay in uu toogasho ku dilo mid ka mid ah ciidanka nabad galyada wadooyinka ee gobolka Bari.

Dilka ninkaan ku hubaysnaa Bistoolada ayaa waxaa uu ka dhacay isgoyska NETCO ee magaalada Bosaaso
oo ah goob aad u mashquul badan. Dilka ninka la dilay ayaa waxaa ka soo baxay warar is khilaafsan oo ku saabsan qaabka uu dilku u dhacay dadka qaar ayaa sheegay in uu doonayey in uu dilo askar ka tirsanaa ciidanka amniga oo goobta ku sugnaa halka dad kale ay sheegayeen in uu diiday in uu is taago.

Dhinac kale Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Boosaaso ee Gobolka Bari oo la hadlay idaacadda VOA ayaa u sheegay in ninka la dilay uu ku hubaysanaa Bistoolad uuna isku dayey in uu dilo askari ka tirsan ciidanka balse uu askarigu rasaasta kala hormaray ka dibna uu goobta ku dhintay isagoo sheegay in ninkaas uu ka tirsnaa ururka Al-shabaab.

Sarkaalkaan ayaa waxaa kale oo uu Idaacadda VOA u sheegay in 2 dhalinyaro ah oo ninkaan la socotay kana tirsanaa ururka Al-shabaab ay goobta ka baxsadeen maadaama goobtu ay ahayd goob laga raaco gaadiidka ayna dadku aad ugu badnaayeen balse ay ciidanku ay ku daba jiraan.

Ilaa hadda ma jiro wax ay soo bandhigeen Taliska guud ee Ciidanka Booliska Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari mana jirto xog ku saabsan ninkaan lagu dilay magaalada Boosaaso mana jirto war ka soo baxay ururka Al-shabaab oo sheegay in xubin ka tirsanaa ururkooda oo lagu dilay Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online