Ciidanka PSF oo howl gal ka fuliyey deegaanada Dhadhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow.[Masawiro]

February 21, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa waxay maanta 20 February, 2018 hawlgal dagaal oo qorshaysan oo ka dhan ah ciidanka ururka Al-shabaab ka fuliyeen Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow,ee Gobolka Bari. Intii hawlgalkani socday, waxay ciidanka PSF dileen ilaa 3 xubnood oo ka tirsan ciidanka Al Shabaab , tiro kale oo intaa ka badana waxay gaarsiiyeen dhaawacyo kale duwan.

Dhanka kale, ciidanka PSF waxay gacanta ku soo dhigeen 2 maxbuus oo ka tirsan ururka  Al- shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiyada magaalada Bosaaso.

Qoraal ay ciidanka PSF ay ku baahiyeen bar ay ku leeyihiin baraha bulshada ayey ku sheegeen in ay sii wadi doonaan hawlgallada joogtada ah ee ay kaga hortagayaan falalka argagixisanimo ee kooxaha Al-shabab ee damacoodu yahay in ay geystaan falal argagixisanimo oo ka dhan ah shacabka iyo dawladda Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online