Faahfaahin Qaraxyo iyo Weerar Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

February 23, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 5 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab kuna labisanaa darayska ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo watay gaari lagu xiray walxaha  qarxa ay damceen in ay ka gudbaan bar Kontorool oo ay ciidanka dowladda Federalka Soomaaliya ay ku lahaayen Taalada Zayidka ka dibna ay xoog ku soo jiireen ciidankuna ay rasaas fara badan ku rideen.

Gaari ay wateen kooxda Al-shabaab oo siday walxaha qaraxa ayaa ku qarxay meel ku dhow Taalada Dhagaxtuur, ka dib markii ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee joogay Taalada Zaydka ay rasaas ay ku rideen gaariga ayna ka toogteen taayarka .

 Al-shabaab ayaa waxaa u suura gashay in ay ka degaan gaariga ka dibna waxaa ay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya isku heleen meel ku dhow Hotel Siyaad, iska horimaad culus ka dib ayaa waxaa ay ciidanku toogasho ku dileen ilaa 5 ka mid ah askartii  Al-shabaab .

Dhinaca kale waxaa jira qarax kale oo ka dhacay goobta baabuurta la dhigto ee  Hotelka Dorbin ee Degmada Shibis, Hotel Dorbin ayaa hotel dhawaan laga dhisay Muqdisho waxaan qarax uu geystay khasaaro iskug jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili maalin ka hor ay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen inay jiraan baabuur lagu xiray walxa qarxa oo la soo galiyey magaalada Muqdisho.

Ilaa hada ma jiraan cid ka tirsan DFS oo ka hadlay qaraxyada iyo Weerarka ka dhacay magaalada Muqdisho marka laga reebo in kooxda Al-Shabaab ay sheegatay qaraxyada iyo weerarka sida dhaqanka u ahayd.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online