Nadwo diini ah oo ka socotay degmada Ufeyn oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]

February 20, 2018 - Written by Editor

Ufeyn:-Waxaa lugu soo gabagabeeyay Degmada Ufeyn nadwadii ugu horreysay ee degmada si rasmiya uga dhacda. Cinwaanka nadawada wuxuu ahaa “Toosnaanta” (الإستقامة) waxayna socotay saddex habeen. Waxay nadawadu ka koobnayd 4 muxaadaro iyo su’aalo bulshada loo furay inay culimada weydiiyaan. Canaawiinta nadwada iyo culimada ka qeyb-qaadatay waxay kala ahaayeen sida tan soo socota:-

1- Sh. Axmed Daahir – الإستقامة ووسائل الثبات عليها

2- Sh. C/raxmaan Bukhaari – المعاصي وأثرها في المجتمع

3- Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji – المخدرات وأضرارها

4- Sh. Maxamad Macalin Axmed – الربا مفاسده وآثاره

Furitaanka nadwada waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha degmada Ufayn Cali Jaamac Jibriil, Beeldaaje Cali Faarax iyo culumada nadwada ka qaybgalaysay. Isla habeenkaas waxaa muxaadaradii ugu horreysay ee nadwada soo jeediyay Sh. Axmed Daahir isagoo ka hadlay toosnaanta iyo sida loogu sugnaado.

Habeenkii ku xigay Sh. C/raxmaan Bukhaari ayaa ka hadlay macaasida , dunuubta iyo raadadkooda, isla habeenkaasna waxaa maxaadaro 2aad soo jeediyay Sh. Cismaan Maxamuud dirir oo ka hadlay maandooriyaha iyo dhibaatooyinkiisa. Habeenkii 3aad wuxuu isugu jiray muxaadaro Sh. Maxamad Macalin uu soo jeediyay iyo su’aalo dadweynaha uu uga jawaabayay.

Ugu danbeyntii waxaa lugu soo gunaanaday xaflad ay ka qaybgaleen isimo, odayaal, madaxda degmada iyo gobolka iyo marti sharaf kale oo badan. Xaflada waxaa ka hadlay guddoomiyaha mu’asasada Al-Minhaaj faraca Bari Xasan C/lahi Sh. Xasan, guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cirro, wasiirkii hore Yaasiin Cartan, guddomiyaha degmada Ufayn Cali Jaamac Jibriil, Sh. C/Risaaq Xaydari, Beeldaaje Cali Faarax.

Madaxdii halkaas ka hadashay ayaa aad usoo dhaweeyey nadwada ,waxayna aad u codsandeen in lagu soo celceliyo nadwooyinka noocaan ah. Nadwada ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u wanaagsan, dadweynuhuna aad ayay uga soo qayb galeen nadwada.

Mu’asassad Minhaaj
Ufeyn, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online