Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo lagu dilay Gaalkacyo.[Masawiro]

February 2, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Waxaa maanta Allah u naxariistee salaadii Jimce ka dib gaarigiisa qarax miino ah loogu xiray Faarax Caato oo ka mid ahaan Jiray ciidankii Sirdoonka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya tababaro badan ku soo qaatay dalka dibadiisa.

Faarax Caato ayaa ilaa intii burburka Dowladdii Soomaaliya ka dib waxaa uu ku noolaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug , Faarax Ciise Samatar (Caato)  ayaa waxaa uu ahaa Sarkaal aqoon fiican u leh Ciidamada waxaan uu noqday tababare.

Aaska Faarax Ciise Samatar (Caato) waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Gal-Mudug, gudoomiyaha gobalka Mudug, gudoomiyaha degmada Gaalkacyo iyo waxgarad kale.

Sarkaalkaan ka tirsanaa jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa qaraxu haleelay duhurnimadii maanta xili uu marayey Xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dib markii uu soo tukaday Salaadii Jimce.

Saraakiil badan oo ka tirsanaa jiray Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay dilal qorshaysan waxaa dilal loogu geystay gobollada dalka Soomaaliya.

Xuquuqda masawirada waxaa leh wariye Said Nadaar

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online