Sheekh Maxamuud Yuusuf Ciise oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo

February 21, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Waxaa Allah ha u naxariisto saaka ku geeriyooday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose Sheekh Maxamuud Yuusuf Ciise oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee magaalada Kismaayo, Sheekha ayaa baryahaan dambe ku xanuunsanaa Kismaayo.

Sheekh Maxamuud Yuusuf Ciise waxaa uu ahaa Caalim afgaaban haddana ku dhiiran xaqqa, waxaa uu caan ku ahaa isbedeladii ka dhacay Kismaayo dhamaantood in aysan saameenin asagoo xili kaste Mas,uuliyadiisa culimanimo gudanaayay.

Sheekha waxaa uu ahaa mid la waydiiyo Fatwada aadna waa loogu kalsoonaa cadaaladiisa iyo aqoontiisa, waxaa uu in mudda ah mudaris ka ahaa Masjidka Jaamacadda oo ku yaalay Xaafada Calanleey Masjidka Suuqwayne ama masjidka Sheekh Maxamuud Yuusuf na waa la oran jiray.

Inkastoo da,diisu rasmiyan aan u la hubin waxaanse lagu qiyaasay in uu sideetan kor u dhaafay waxaana uu ku dhashay Kismaayo, kasakoow Cilmiga iyo fatwada loo celin jiray haddana waxaa uu ahaa dadka laga wareesto taariikhda Kismaayo.

Allah dambigiisa ha dhaafo janatul firdoosa hoygiisa allah ha uga dhigo, dhamaan ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeedba allah sabar ha ka ka siiyo Annagana gadaashiisa Allah nama fitneeyo

 A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online