Wasiir Cabdi Xoosh iyo wafdigiisa oo la kulmay Xukuumadda Puntland.[Masawiro]

February 13, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Wafdi uu hoogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada Dawlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka.

“Hadaan nahay dawladda Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idiin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay” ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Cabdi Xoosh oo warbixin ku saabsan Tubta dhameeystirka Dastuurka la wadaagayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa yiri “Wasaaradda iyo labada Guddi waxay ku heshiyeen Qorshe-hawleedka idiin horyaalla oo ah Tubta lagu dhameeystirayo Dastuurka inaga oo dooneyna in aan ka talagelinno dhamaan Dawlad Goboleedyada; rajo wayn ayaan ka qabaa inaga oo dhamaanteen gacmaha is heysanna inaan guul ka gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka”

Dhankooda Gudoomiyayaasha labada Guddi ee Wasaardda ay shaqo wadaaga yihiin Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxay ka hadleen muhiimadda Tubta dhameeystirka Dastuurka. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.

—–DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online