Fariin qalbiga ka soo go’day oo ku socota dad aan Allaah dartiis u jeclahay Sh. Xambali

April 15, 2018 - Written by Editor
الحمد لله رب العالمين ،  والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين ، وعلى آله وصحبه أجمعين
*Intaa dabadeed:*
 
Awoodda Allaah, waafajintiisa iyo baristii uu aadanaha baray wax aanay hore u aqoon, ayaan waxaan erayadan aan soo wado ku dhex qoray, anigoo dul heehaabaya cirka iyo dhulka dhexdooda, saaranna diyaarad norwiijiyaan ah oo ku sii jeeda caasimada dalka Denmark ee Copenhagan.
 
Allaah fadligiis ayaan waxaan ka qeybgalay kulankii dacwo, kaasoo cinwaankiisu ahaa *”Sahay qaado inta aadan safrin”*  kaasoo loogu talo galay ehelkeyga iyo saaxiibadayda aan jeclahay ee reer Helsinki.
Waxaa kulankaas qorsheysnaa in uu igala qaybqaato sheekheena  aan aadka u jecelnahay, mufakirkeena saxwada islaamiga ah sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Allaha noo dhowree; laakiin xag Allaah lagama qorin inaan kulankaas isla wada joogno, kadib markii uu sheekhu soo gudbiyay cudurdaar gaar ah iyo mid guud ahaaneedba, Allaah waxaan ka baryaynaa in uu sheekheena u fududeeyo wadooyonka  kheyrka meel kasta oo uu joogaba.
  
*Sababtii booqashadan*
 
 Waxaa ila soo xiriirey walaal Bashiir Cabdiqani oo ah madaxa maamulka markazka islaamiga ah ee Helsinki – Finland. Waxyaabihii   laabteyda qaboojiyay, farxad darteedna uu qalbigeygu ku sigtay inuu dibaddaba u soo baxo, waxaa ka mid ahaa: markii la ii sheegay in kulankaas dacwada uu igala qeybqaadanayo Sh. Mustafe  Xaaji Ismaaciil, ma ahan arinku in aan jeclahay ka qeybgalka shirarka iyo nadwooyinka, ee arinku waxaa weeye inaan jeclahay la socodka iyo la joogista culimada, laakiin farxaddaasi ma aanay sii socon, kadib markii uu mas’uulka maamulka markazka, oo waliba xilligaas howlo dacwo ah u joogay ingiriiska uu ila soo hadlay, oo ii sheegay warka ku saabsan ka cudurdaarashada sheekha inuusan kulanka imaanaynin, waxaan markiiba bilaabay istirjaac iyo Alla u noqosho (walaa xawla walaa quwata illaa billaahi), waanan isa sabirsiiyay, waxaanan arinkaas u niyaystay in Allaah uu ajar iyo dambi dhaaf noogu bedelo. Inkastoo ay mururgo  iyo niyad-jab igu habsadeen, laakiin waxaan u hogaansamay xukunka iyo qadarka Allaah oo aan marnaba laga tallaabi karin. 
 
Waxa ugu weyn ee murugada igu beeray, waxaa ay aheyd su’aal aan anigu nafsad ahaanteyda is weydiiyay oo aheyd:” War hogaagee ina Xambaliyoow, maxaad u sheegi doontaa dadweynaha isugu soo baxay in ay dhegeystaan muxaadaraadka Sheekh Mustafe?. 
Gacanteyda ayaan kor u qaadi kari waayay, wax kale oo aan magangalo majirin, oo aan ka aheyn talasaarashada Allaah iyo in aan isaga miciin bido, waayo isagaa ayaa igu filan, waana kan ugu wanaagsan cid la talo saarto. Laakiin idinka qarin maayee, aadbaan u baqayay oo u waji gabxayay, Allaah ayaase fadligiisa igu asturay, waxaana uu igu karaameeyay deeqtoonaantiisa iyo towfiiqdiisa, kadib markii aan la imid asbaabtii diyaargarowga oo dhan , oo aan si wanaagsan oo xeeldheer isu diyaariyay haddii ay ahaan lahayd wax akhrin iyo wax dhegeysiba, halkudhigeyguna wuxuu ahaa *“Dhib kasta oo jira waxaa ka dambeyn doona fudeyd”*  
Dayuuraddii ayaan ka fuuley garoonka diyaaradaha ee Copenhagan, caasimadda Denmark, waxaan gaaray magaalada Helsinki ee caasimadda Finland galabnimadii Khamiista 5/4/2018, waxaana si aad u wanaagsan iigu soo dhaweeyay garoonka Helsinki akhyaar uu hogaaminayo mas’uulka markazka oo isagu saacado kahor ka yimid safar dacwi ah oo uu ugu maqnaa Ingiriiska, waxaana weheliyay walaalaha kala ah Ismaaciil Muuse Seeraar oo ah xubin ka tirsan shuurada markazka iyo xoghayaha markazka Maxamed Cabsiiye, Allaha ka abaalmariyo dhammaantood wanaagaas ay noo sameeyeen.
 
Islamarkiiba waxaan tagnay xaruntii markazka, halkaasoo aan ku tukanay salaaddii maqrib, waxaanan dadkii salaadda soo tukaday u jeediyay waano kooban oo ku saabsan suuradda “Al-casri”. Waxaan aad ula dhacay iigana cajabiyay, arin aan marnaba qalbigeyga ku soo dhicin oo aheyd, in walaalihii halkaas joogay oo isugu jiray xubnihii maamulka idaarada, shuurada iyo culimadii markazkaba ay dhammaantood joogay markazka si ay ii soo dhaweeyaan, taasoo igu beertay farxad iyo reyn-reyn aan la soo koobi karin, oo aan run ahaantii dareemay sidii anigoo dhexjooga ehelkeyga iyo walaalahay oo kale.
 
Kadib waxaa ay ii soo bandhigeen barnaamijkii kulanka iyo muxaadaraadka uu ka koobnaan doono, sidoo kale booqashooyinka maraakizta kale aan ku tagi doono, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah. 
 
*Waxyaabaha ay reer Helsinki kaga duwan yihiin dadka kale*
 
– Martigelinta wanaagsan iyo soo dhoweynta heerka sare ah ee martida ay siiyaan,  
– Imaanshaha iyo sida ay muxaadaraadka u yimaadaan, sida wanaagsan ee ay culimada u dhegeystaan (kaasoo ah mid ku dhisan daal iyo caajis la’aanba) , gaar ahaan dumarka.
 
– Quruxda qolka fadhiga ee martida loogu talagalay, oo ah mid aad i cajab geliyay oo uu yaallo fadhi aad u raaxo badan.
 – Nidaamka maamulka oo ah mid aan aad ula dhacay, gaar ahaan xagga nidaaminta waqtiga oo wax walba sidii loogu talagalay ay u dhacaan, iyadoo wax dib dhac ama hormaris ah aanu jirin.
 
– Ruux aad u sarreysa oo dhanka dacwada ah.
 
– Waxaa laabteydu ay ku diirsatay deeqsinimada ay ku sifeysan yihiin, waana kuwo ku dheereeya xagga ururinta tabarucaadka, haddii ay ahaan laheyd mashaariicda dacwiga ah ee gudaha iyo kuwa dibadaba, waxaan Allaah ka baryayaa in uu ka aqbalo kheyrkaas ay la baxayaan, Allaahna uu u fududeeyo ururinta tabarucaadka ee mashruuca ballaarinta masjidka ee ay haatan wadaan, iyagoo iibsaday qaaco weyn oo ku dhagan halka uu masaajidku ku yaallo haatan, waxaana wixii hadda ka dambeeya uu markazka Helsinki ee islaamiga ah uu noqonayaa markazka labaad ee ugu weyn wadamada waqooyiga yurub, kaasoo xagga weynaanta ku soo xiga markazka Sunna islaamic center ee magaalada Gottenberg – Swedan.
  
Waxaana Allaah uu i wafaajiyay in aan halkaas ka soo jeediyo muxaadaraad khuseeya jaaliyada soomaaliyeed, iyadoo halkudhiga kulankuna uu ahaa: “ Sahay dhigo inta aadan safrin”, waxaana ka mid ahaa muxaadaraadkii aan soo jeediyay:- 
 
1- Isdultaag ku saabsan suuradda Al-casri
 
2- War hooy salaadda ilaaliya
 
3- Muhiimadda qoraalka iyo wax akhriska
 
4- Calaamadaha jaceylka Allaah
 
5- Maareeynta waqtiga
 
6- Waxyaabaha kugu kaalmeynaya sugnaanta, xilliga fitanka.
 
 Xilligii saddexda galabnimo ayaan waxaan ka soo baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Helsinki, anigoo ku soo Jeeda dalka Denmark, iyadoo ay walaalaha maamulku si wanaagsan oo diirran ay ii soo dhaweeyeen, Allaah waxaan ka baryaynaa inuu ka abaalmariyo wanaagaas ay ii sameeyeen.
  
Guntii iyo gabagabadii: Waxaan si gaar ahaaneed mahad ballaaran oo ku dheehan wanaag oo dhan ugu soo jeedinayaa walaalaha maamulka markazka, iyo reer Helsinki si guud ahaaneedba, soo dhaweyntii wanaagsaneyd iyo martigelintii qiimaha lahayd ee ay ii sameeyeen.

Waxaan idiinkaga tagayaa ilaalinta iyo xifdinta Allaah subxaanahu watacaalaa.

Waa walaalkiin aad idiin jecel / Cabdullaahi Sh. Xambali  oo idiinka soo diray farriintaan kurisga diyaaradii aan saarnaa ee dhex heehaabeysa samada u dhxeysa Finland iyo Denmark.

W/Q Sh Cabdullaahi Sh. Xambali  09.04.2018
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online