Madaxweynaha ku xigeenka Puntland oo raali gelin ka bixiyey gaf uu u geystay Hay’adda culimada Soomaaliyeed.[Dhagayso]

April 26, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar oo shalay ka hadlayey shirkii amniga Soomaaliya ayaa raali-gelin ka bixiyey hadal xadgudub ah oo uu dhawaan u jeediyey hay’adda culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho kan hadlay gabar Soomaaliyeed oo dhaqan xumo fan heeseed ah doonaysay in ay ku qabto magaalada Muqdisho culimaduna ay uga digeen da’yarta in aysan ku kadsoomin dhaqankaas xun.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa si uusan uga fiirsan ku weeraray culimada isagoo sheegay in culimada ay ka hadlaan wax yaabaha kale ee waaweyn arrinkaas oo dadka soomaaliyeed yaab ku noqtay oo waxaa ay is wiidiiyeen ‘’ in heeso qaawanaan ah loo dhigo dhalinyaro iskugu jira gabdho iyo wiilal xumaadta ka weyn wax ay tahay.’’

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa ugu danbayn garwsaday in uu gaf weyn galay waxaan uu si geesinmo leh uu raali gelin buuxa uu u siiyey hay’adda culimada Soomaaliyeed arrinkaas oo ah mid la soo dhaweeyo, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar waxaa uu ka Sharaf badan yahay kuwo badan oo ka mid ah Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya oo baraha bulshada u bareeray taageerada dhaqanka xun.

Hoos ka Dhagayso raali gelin uu culimad siiyey madaxweynaha ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2018/04/Camey-1.mp3 ]

Halkan ka dhagayso mp3

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online