Nadwo diini ah oo lagu soo gaba gabeeyay Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso.[Masawiro]

April 14, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Nadwadaan oo ahayd tii 16aad ee sanadwalba lagu qabto Masjidka Al-Rowda Bosaaso ayaa gashay habeenkii 6aad ahna habeenkii ugu danbeeyay waxaana inta aan la gaarin Xaflada Xiritaanka Nadwada Darsi Halku dhigiisu yahay.[Mas’uuliyada Xukumada ka saaran ka hortaga Musuq’maasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Wadanka] soo Jeedshay Sh. Maxamuud Xaaji Yusuf oo ka mid ah Culimada Fara ku tiriskaa ee waxbadan ka qoray Soomaaliya iyo Heerarka uu gaaray Musuqu isla markaana wax badan ka jeedshay gooba kala duwan Talooyin ku saabsan siddii looga hortagi lahaa Musuq’masuqa.

Sheekha ayaa soo bandhigay heerarka ay Somali ka gashay liiska musuqmaasuqa aduunka in ay tahay meelaha ugu sareeya musuqa waxaana Sheekhu tilmaamay sababaha keenay in Soomaali ay noqoto meel ku caanbaxday musuq’maasuqa waxaa kow ka ah in aysan Soomali lahayn xeer ciqaabeed ku saabsan musuqa qofkii lagu helo iyo ciqaabta uu mudanayo taas markii la waayayna ay bulshadu gaartay in jaantaa rogan wax walba noqdaan.

Ugu danbayn sheekha ayaa soo jeedshay talooyin dhowr ah waxaana ka mid ahaa:-

(1) Ku dhaqanka Shareecada Islaamka Maadaama ay ugu horeesay cid walba oo ka hortagtay Musuqa.

(2) In lasameeyo hay’ad madaxbanaan oo ladagaalanka musuqa ah.

(3) In lasameeyo Xeer qeexaya Ciqaabta uu mudanayo Qofkii lagu helo musuq midyar iyo Midwayn,

(4) Qofka Mas’uuliyada loo dhiibayo oo loo doorto qof diin iyo Amaano leh.

Intaas ka dib waxaa lagalay hadaladii Xiritaanka Nadwada waxaana goobta ka hadlay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Culimada diinta Madaxda dhaqanka Mas’uuliyiin kasoctay Wasaarada Cadaaladda Iyo Arimaha Diinta Maamulka Mu’asasda Al-Minhaaj Gobolka Bari waxayna dhamaan mas’uliyiintii goobta kadashay soodhaweeyeen Nadwadaan iyo In ay kusoo beegantay Xili Baahi wayn loo qabay sidii loo helilahaa dad kasoobaxa Mas’uuliyada guud iyo gaar ahaanba.

Gabagabadii waxaa goobta laga akhriyay bayaan Culimadu ay ka soo saareen Nadwadii Mudada lixda habeen ah ka socotay Masjidka Al-Rowda Bosaaso bayaanka ayaa loo diray guud ahaan Umada Soomaaliyeed.

Nuur Jaamac Aadan
Boosaaso,Halgan,net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online