Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta & Culimada oo ku baaqay in loo gurmado shacabka Beledweyne.[ Video]

April 29, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta & Arrimaha dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib oo kulan la qadatay Culima-diinka & Shirkadaha Ganacsiga ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan Arrimaha Xajka waxaan uu wasiirku xusay in arrimaha Xajka ay dhibaato badan ka taagan tahay oo lacago badan oo xad dhaaf ah dadka laga qaado, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta & Arrimaha Dhaqancelinta Puntland Saalax Xabiib ayaa ugu baaqay dowladda Fedraalka Soomaaliya in fuliso balan qaadkii ku saabsanaa in laga hortago Musuqmaasuqa oo ah wixii loo doortay.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta & Arrimaha dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib ayaa kulanka culimada iyo Shirkaddaha ganacsiga waxaa diirada lagu saaray qaabka ugu sahlan oo shacabka Soomaaliyeed ay ku tegi karaan Xajka iyagoona lagu kalifin lacago aysan awood u lahayn, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta & Arrimaha Dhaqan celinta Puntland ayaa sheegay in aanay Puntland ka shaqayn doonin arrimaha Xajka Shirkad aan ruqsad ka haysan wasaaradda Cadaaladda,Diin & Arrimah dhaqan celinta.

Dhinac kale kulanka culimada iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta & Arrimaha Dhaqan celinta Puntland ayaa waxaa kale oo baaq ay ka direen dhibaatada fatahaadeed ee uu webigu u geystay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaan ay ugu baaqeen shacabka Puntland in ay gurmada deg deg ah u fidiyaan walaalahood Soomaaliyeed eek u dhibaataysan magaalada Beledweyn oo 90% ay ka barakaceen magaalada.

Hoos ka Daawo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta &a; Arrimaha dhaqan celinta Puntland iyo culimada oo baaq diray

A/cawaale
Halgan.net

,

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online