Ciidamo ka tirsan DFS qarax lagula eegtay Degmada Afgooye

May 22, 2018 - Written by Editor

Afgooye:-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay degmada Afgaooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey oo watay baabuur nooca raaxdaa ah, ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda u sheegay VOA.

Qofka dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada qaraxa lala beegsaday, oo ku socday kolonyo baabuur ah.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa loo yaqaan Bancroft, waxaana la sheegay inay yihiin cidamo ay tababaraan ciidamada Mareykanka, oo gobolka Shabeellaha Hoose ka howl-gala.

Weriyaha VOA ee Muqdisho, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa ka warramaya qaraxan.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,523 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>