Golaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay Colaada Tuka Raq iyo Shirkii Baydhabo

May 19, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Shir deg deg ah oo ay maanta yeesheen Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa looga hadlay dagaalka Puntland iyo Somaliland ee ka socda deegaanka Tuka raq iyo shirkii dowlad goboleedyada eelagu qabtay magaalada Baydhabo.

War-murtiyeedka ayaa waxaa loogu baaqay shacbaka Puntland in ay u diyaar garoobaan dagaal wakhti dheer qaadan doona kaas oo ay sheegeen in lagu difaaci doono dadka iyo deegaanada Puntland .

Dhanka kale Golaha Xukuumadda Puntland ayaa kulankooda waxay uga hadleen shirkii dowlad goboleedyada ee Baydhabo lagu qabtay waxaana warbixin ka siiyay Madaxweynaha dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isaga oo sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhamaaday .

Shirka golaha Wasiirada ee Puntland ayaa ku soo aaday xili dagaalo culus ay ka soo cusboonaadeen deegaanka Tuka Raq ee gobalka Sool .

Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedkii ka soo baxay golaha wasiirada ee Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online