Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka oo Banbax-howleed u jooga Nairobi.[Masawiro]
May 27, 2018 - Written by Editor
Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Banbax-howleed socon doona maalmo uga bilowday magaalada Nairobi.
Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulan wadajir ah ayaa ka arrinsan doona xoojinta wadashaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.
Xubnaha Wasaaradda uga qaybgalaya kulankaas ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda, halka Xildhibaano kamid ah Gudigga Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Gudigga Madaxabanaan ay iyagana kulanka ka qaybgalayaan.
Ugu dambayn, Banbax-howleedkan ayaa muujinaya wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa saddexda hay’adood waxeyna yididiilo weyn gelineysa dadka Soomaaliyeed ee indhaha ku haya Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.
[ngg_images source=”galleries” container_ids=”2684″ display_type=”photocrati-nextgen_basic_thumbnails” override_thumbnail_settings=”0″ thumbnail_width=”600″ thumbnail_height=”800″ thumbnail_crop=”1″ images_per_page=”200″ number_of_columns=”0″ ajax_pagination=”0″ show_all_in_lightbox=”0″ use_imagebrowser_effect=”0″ show_slideshow_link=”0″ order_by=”sortorder” order_direction=”ASC” returns=”included” maximum_entity_count=”500″]
A/cawale
Halgan.net

.gif)

