Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo Tahniyad iyo Baaq u dirtay Umada Soomaaliyeed (Akhriso)

May 17, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa tahniyad iyo baaq u dirtay Umada Soomaaliyeed tahniyada oo ku aadan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ,Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday sidoo kale Umada Soomaaliyeed in la joojiyo Colaada Tukaraq

Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray Nuqul ka mid ah Bayaanka iyo baaqa Hay’adda Culumada Soomaaliyeed wuxuuna u qornaa sidan .

بسم الله الرحمن الرحيم

Tahniyad iyo baaq ku saabsan bisha ramadaan ee barakaysan           

 1- Hayadda culumada soomaaliyeed waxay shacabka soomaaliyeed iyo     ummadda muslinka ah guud ahaan ugu tahniyadaynaysaa bilashada bisha       ramadaan ee barakaysan ,waxayna ilaahay ka baryaysaa in uu na waafajiyo dhammaan  acmaasha uu raaliga ka yahay,gaar ahaan soonka maalintii iyo salaadda hebeenkii,nagana aqbalo.                                                            

  2-Bisha Ramadaan waa bishii sabarka iyo naxariista , waxaan ku baaqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaadda Tukaraq , ilaahayna looga baqo dhiigga xaq darrada ah ee qubanaya.                                                               

  3-  Hay’addu waxay ku baaqaysaa in bishaan looga faa’iidaysto xallinta khiaafaadka beeleed ama siyaasadeed ee u dhexeeya dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah .                                                              

  4-Ramadaankaan wuxuu ku soo aaday ayadoo ay jirto baahi, gaar ahaan barakacayaasha iyo dadka fatahaadu saamaysay,marka, Hay’addu waxay ugu baaqaysaa cid kasta oo wax heli karta,gudaha iyo dibadaba,in kaalmo deg deg ah loo fidiyo shacabka soomaaliyeed ee musiibadu ku habsatay.

  5-Ramadaan waa bil cibaado ee ma aha bil ciyaaro,dhallinyarada ha lagu jiheeyo ,tartan Quraan, adeegga bulshada iyo caawinta masaakiinta.

  6-Ramadaan waa bishii towbadda iyo is-bedalka, waxaan isku dardaarmaynaa towbad hufan oo la xariirta xuquuqda ilaahay iyo midda aadamiga.

  7-bishaan waxaa furan albaabada aqbalka ,marka waxaan soo jeedinaynaa in ducada la badiyo ilaahayna aad loo baryo in uu faraj deg deg ah ummadda u furo.

Guddiga Fulinta Hay’adda Culumada Soomaaliyeed
Ramadaan kariim
Muqdisho –  Soomaaliya

 

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online