Khilaafka iyo Colaada Puntland iyo Somaliland oo cirka isku sii Shareertay (Daawo)

May 28, 2018 - Written by Editor

Gudiga Difaaca Puntland ayaa maanta Shirjaraa,id waxay ku qabteen magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland waxaana ay eedeyn kulul u soo jeedsheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi .

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Jamac Xirsi Timacade ayaa u mahadceliyey qaybaha bulshada ee kusugan Gobolka Sool sida ay u muujiyeen rabitaankooda .

Wasiirka Amniga Puntland ayaa isna si weyn u mahad celiyey doorkii Ciidanka Puntland ka qatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Tuka-raq.

Dhanka kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa fariin u diray shacabka ku dhaqan gobalka Sool wuxuuna ugu baaqay in ay gunimada ogalaan isaga oo ku boorinaya in ay la dagaalaan ciidamada Somaliland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey oo goor dhaw la hadlay warbaahinta dawladda PuntlandTV ayaa sheegay in dagaalka ka dhex curtay Somaliland iyo Puntland uusan joogsan doonin inta xuduuda Puntland la sugayo lagana saarayo ciidamada S/land.

Khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa maalinba maalinta ka danbeeya sii xoogeysanaya waxayna labada Maamul indhaha ka qabsadeen baaqyada ay waxgaradka culumada iyo madaxada DFS ay soo saareen kaas oo ku baaqayey in la joojiyo Colaada Tuka raq iyo dagaalka lagu daadinayo dhiiga dadka Muslinka walaalaha ah .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online