Madaxweynaha JFS oo Umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Bisha Ramadaan

May 16, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay kuwa wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.

Dhanka kale Guddoonada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wadaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed.

SONNA
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,515 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>