Madaxweyne JFS oo ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar.[Masawiro]

May 13, 2018 - Written by Editor

Dooxa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo inta uu ku suganyahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadli doonaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Xafiiska Madaxweynaha JFS 

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online