Ra’iisul wasaaraha JFS oo la kulmay Guddida ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC).[Masawiro]

May 3, 2018 - Written by Editor

Ra’iisul wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre ayaa waxaa la kulmay Guddida ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC).waxaana u u gudbiyey farriin ah in xaalada dalka Soomaaliya uu soo fiicnaanayo rajo fiicana ay jirto, Safiirrada midawga Yurub ayaa waxaa kulanka ka muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin qorshayaasha Dowlada Federaalka Soomaaliya Waxaa kale oo ka faa’iidaysteen kulanka Safiirrada midawga Yurub caqabadaha soo wajaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Intii lagu gudojirey kulanka doodaha, waxaa xusid mudan saddex qodob oo muujinaya sida ay uga go;antahay Midawga Yurub inay taageeraan Dawladda Federaalka Soomaliya waxaan ay balan qaadeen.

1. Deeq maaliyadeed oo toos ah oo xaddigeedu gaadhayo €100 million (Barnaamij la ansixin doono dhammaadka Bisha May).

2. Taageero baaxad leh iyo taageero dhaqaale oo ku waajahan dadaallada xasilineed oo gaadhaysa €80 million, taas oo iyadana la ansixin doono dhammaadka Bisha May.

3. Taageero joogto ah oo ku aaddan AMISOM, taas oo dooddeeda si dhakhso ah loo bilaabi doono, ayna soo dhammaan doonto dooddaasi gabagabada bisha June.
Dhinac kale Safiirka Midawga Yurub waxa uu rejo fiican ka muujiyay xidhiidhka mustaqbal ee golaha iskaashiga Soomaliyeed, taas oo lagu qaban doono Brussels, dhammaadka bisha June.

Ra’iisul wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirarkani uu ka turjumayaan sida ay Xukuumadda Federaalka Soomaliya uga go’an tahay inay jid walba u marto sidii ummada Soomaaliyeed u heli lahayd Nolol wanaagsan, Nabad waarta iyo Nidaam guulaysta oo ka hir gala guud ahaan Dalka.

 A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online