Ra’iisul Wasaare Khayre oo Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Ethiopia

May 26, 2018 - Written by Editor

Addis Ababa:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed.

Kulankan oo ahaa mid miro Dhal ah ayaa qodobadii labada Ra’iisul wasaare ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda fedetaalka, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Khayre kulanka uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

Kulankaan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Ra’iisul Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo markii uu Dr. Abiy Ahmed noqday Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia.

—Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online