War deg deg ah: Dagaal culus oo dib uga Qarxay deegaanka Tuka raq .

May 24, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Puntland & Soomaaliland uu ka socdo deegaanka Tukaraq iyo deegaamada ku xeeran gaar ahaan degmada Boocame.

Dagaalka ayaa waxaa uu qarxay saaka aroortii 05:00 waxaana uu socdaa ilaa haatan. Wararka hordhaca oo la helayo ayaa sheegaya in khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac ay kala gaareen labada dhinac

Ilaa haatan ma jirto wax waanwaan ah oo laga dhex wado labada dhinaca .

Ilo wareed ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa u sheegay Halgan.net in dagaalka culus uu ka socdo dhowr jiho madaafiicda laga maqlayo  jihooyin kala duwan .

Halgan.net
Laascaanood

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,517 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>