Wasiir Iidaan “Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa 3-da May maalinta xorriyadda hadalka

May 3, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-maanta oo kale 3-da May waa maalin ku weyn dhammaan bahda warfaafinta adduunka iyo midda Soomaaliyeed, macdamaa loo asteeyey in ay tahay maalinta xorriyadda hadalka, ugu horreyn waxaan hambalyo u dirayaa Warbaahinta Soomaaliyeed oo aan aaminsanahay in ay kaalin weyn ka cayaaraan in Soomaaliya ay ku faanto xorriyadda hadalka.

“maanta meesha aan ka joogno Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa, taas oo ku timid dhabar adeeggii ay u soo galeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dil, dhaawac iyo dhibaatooyin kaleba kala soo kulmay hasa ahaatee mirihii maanta la joogo”.

Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed saaxiibbadii ay ku waayeen iyaga oo ku taagan helitaanka xorriyadda hadalka, waxaana EEBBE uga baryeennaa in uu siiyo Jannadiisa Fardowsa.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay dhiiragalineysaa Xorriyadda hadalka iyadoo aan la leexaneyn xeerarka iyo shuruucda dalkaan u yaalla, dhowaan waxaan rajo weyn ka qabnaa in Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed uu ka soo gudbo goleyaasha sharci dejinta, marka uu madaxweynaha dalka saxiixana waa midka aan isku dhaqi doonoo oo aan heshiiska ku nahay.

Waxaa lagama maarmaan ah in warbaahinta Soomaaliyeed ay masuuliyad dheeri ah iska saaraan sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen horumarinta dowladnimada iyo dhismaha dalkooda iyagoo ka fogaanaya in loo adeegsado burburin iyo u adeegidda fikrad aan Soomaali aheyn.

Waxaan ugu baaqayaa Warbaahinta Soomaaliyeed in ay xil iska saaraan gurmadka dadka masaakiinta ah ee ay Webiyada Shabeelle iyo Jubba ku soo fataheen, gacanna la siiyo guddiga Qaran ee uu madaxda u yahay ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, dowladda Soomaaliya waxa ay ku yaboohdey lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo gurmadka looga qeyb-qaadanayo, warbaahintuna waxaa muhiim ah in ay mudnaanta koowaad siiyaan wararkaa ayna sameeyaan barnaamijyo gargaarka ku saabsan.

Wasaaraddu waxa ay ku howlan tahay isku xirka warbaahinta Soomaaliyeed, annagoo shirar ugu qabannay Muqdisho iyo Garoowe si loo dhiirageliyo loogana wada shaqeeyo danta dalka, taas oo waddada u xaareysaa fursad siinta xorriyadda hadalka si ay AKhlaakh ku jirto, lana dhowrayo Dastuurka dalka iyo Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed.

Mar kale ayaan ku ammaanayaa Warbaahinta dedaalkooda wanaagsan, waxaana ku dhiiragelinayaa in ay sii wadaan howsha danaha dalka u adeegeysa.

——DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
May 2018
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online