Ciidamada Puntland ee (PSF)soo bandhigay 41 meyd oo ka mid ah kooxda Alshabab (Masawiro)

June 4, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada difaaca Puntland ee (PSF) ayaa soo bandhigay 41 meyd oo ka tirsan kooxda Al Shabaab kuwaas lagu dilay hawlgal ay qaadeen kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay weerar gaadmo ahaa kusoo qaadeen fariisinka 20-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland ,gaar ahaan deegaanka Bali-Khadar .

Saraakiisha Ciidamada PSF-ta ayaa sheegay in dagaal ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab kuwaas oo ku dhuumanayey Togga Maraje waxay sheegeen in ay ka dileen 41 kana dhaawaceen 32 askari oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada difaaca Puntland,,ayaa soo bandhigay Masawiro iyo  xogta  khasaaraha ay gaarsiiyeen kooxda Alshabaab

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ka hadlay 41 meyd ay soo bandhigeen ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa PSF-ta. Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in dagaalka ay ku qaadeen deegaanka Bali khadar ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Puntland.

Ilaa hada ma jiraan ilo ka madax banaan ciidamada puntland ee PSF-ta iyo Al-Shabaab oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheeganayaan

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online