Madaxweyne Farmaajo “Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan”[Masawiro]

June 26, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi kula hadlay boqollaal shacab ah oo u dabbaal dagayay maalamaha xorriyada.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba ku guugaabiyay in ay muujiyaan midnimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaashadaan qarannimadooda.

“Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan, waxaan ka shaqeyneynaa horumarka Soomaaliya, waxaan ka shaqeyneynaa wanaaga Soomaaliya, waxaa waajib inagu ah wax walba oo aan sameyneyno in aan ka fiirinno waxa naga haraya oo taariikh iyo dhaxal ah si dadka naga dambeeya ay u tixraacaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online