Ra’iisul Wasaare Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Fidriga

June 14, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka.

“Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar. Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga.

—— DHAMAAD———

Leave a comment

*

Archives
June 2018
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online