Isimo Qado-sharaf u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ra’iisul-wasaaraha JFS.[Masawiro]

July 30, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Isimada Dowladda Puntland ee ay ugu horreeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa maanta oo taariikhdu tahay 30 July 2018 waxay marti qaad u sameeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre iyo weftigii balaadhnaa ee la socday.

Isimada Dowladda Puntland Marti qaadka ay u sameeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale Isimada Dowladda Puntland marti qaadka ay u sameeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa imaanaysa xili maalintii labaad uu ku sugan yahay Ra’iisul-Wasaare Khayre caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii qado sharafta ayaa uga mahad celiyay martiqaadkan ay sameeyeen Isimada Dowladda Puntland ee Gobolka Nugaal.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre oo isna martiqaadka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ugu horeyn soo dhaweentii diiraaneed ee shalay ay u sameeyeen shacabka caasumada Dowladda Puntland, isla’markaana uu ka mahad celinaayo isaga oo ku hadlaya afka dhammaan waftiga lasocday martiqaadkan ay u sameeyeen Isimada Dowladda Puntland ee ay ugu horreeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suladaan Siciid Maxamed Garaase.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre si diiran ugu soo dhoweeyey Puntlnad, isla’ marahaantaana tibaaxay in soo dhoweynta iyo marti soorku yahay mid ka mida dhaqamada wanaagsan ee ay leedahay Puntlnad.

-DHAMMAAD-

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online