Madaxweynaha JFS oo faray laamaha ammaanka ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga

July 22, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda.

Madaxweynaha oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.”

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online