Madaxweynaha JFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Asmara (Masawiro)

July 28, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya ayaa wada hadallo la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki kuwaas oo ku qotoma dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweyne Isaias Afwerki, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalka Ereteriya, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, shacabka dalka Ereteriya ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aqbaaladda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan taariikhiga ah, isagoona tilmaamay in ay bilow wanaagsan u tahay waji cusub oo uu yeelan doono xiriirka labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.

———DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online