Madaxweyne Gaas oo Brussles kulan kula qaatay Ambassador ka Sweden ee Africa.[Masawiro]

July 17, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku Sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium,ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 July 2018 kulan gaar ah la qaatay Ambassador ka Sweden Ee Africa Helena Grondahl Rietz.

Kulanka uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu laqaatay marwo Helena ayaa waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah uu kulanku ugu saabsanaa xoojinta xidhiidhka horumarineed ee ka dhexeeya Puntland iyo Sweden.

Sidookale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xoojinta Mashaariicaha horumarineed ee Dowladda Sweden ay ka caawiso Puntland iyo Sidii layskaga Kaashan lahaa dhicanyada Horumarinta dhaqaalaha, deeqaha iyo ammaanka guud ee geeska Afrika.

Dhinaca kale Danjiraha ayaa geesteeda sheegtay inay Dowladeedu diyaar u tahay sidii ay Dowladda Puntland uga caawin lahayd kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii mashaariic tayo leh Puntlnad uga fulin lahayd Dawladda Sweden.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dowladda Swedan uga mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee ay la leedahay Dowladda Puntland, isla’ markaana sheegay Dowladda Puntlnad si xoojinayso xidhiidhka dhow ee ay la leedahay Dowladda Sweden.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online