Shirwaynihii 7aad ee Mu’asasada Al-mihaaj oo ku soo gabagaboobay magaalada Garoowe.[Masawiro]

July 19, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Shirweynahaan oo ah kii 7aad oo sanadwalba bishaan oo kale la qabto ayaa ah mid golayaasha Mu’asasada iyo Culimadu ku kala warqaataan islamarkaana laysku dhaafsado Aa’raa muhiim u ah Iyo habsami usocodka dacwada iyo sidii Umada loo gaarsiin lahaa wadada liibanta islamarkaana looga badbaadin lahaa dhibta aakhiro iyo tan aduun .

Shirkaan waxaa kasoo qayb galay wufuud iskaga timid dhamaan gobolada puntland kuwaas oo sidii caadada u ahaa martiqaad ka heshay Xafiiska guud ee Mu’asasada Al-Minhaaj waxaa kale oo shirweynahaan goob joog ka ahaa Culima ka mid ah Culimada ugu magaca dheer Soomaali sida:-

  • Sh Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf
  • Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed
  • Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf
  • Sh Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed
  • Sh C/waaxid Xaashi
  • Sh C/raxmaan Bukhaari
  • Sh Axmed Cabdi Samad .

Intaas ka dib waxaa lasoo bandhigay waxqabadii gobolada  sida .

  • Waxqabadka Mu’asasada Guud
  • Waxqabadka Gobolka bari
  • Waxqabadka Gobolka Mudug
  • Waxqabadka Gobolka Sanaag
  • Waxqabadka Gobolka Nugaal

Waxaana intaas dheereed Qorshaha Xafiiska guud ee Iclaamka Minhaaj oo isna soo bandhigay waxqabadkiisa Mudadii Koobnayd ee uu xilka hayay. Ugu danbayn waxaa lagu soo afmeeray talooinMuhiim ah oo ay soojeedsheen Martidii lagu Casumay Shirweynaha .

Xafiiska Warbaahinta 
Mu’asasada Al-mihaaj
Garoowe,Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

243,201 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>