Taliyihii hore ee ciidanka Birmadka gobalka Mudug oo lagu dilay Gaalkacyo

July 27, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Allaha u naxariistee waxaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Taliyihii hore ee ciidanka Birmadka gobalka Mudug Col.C/rashiid gabi gabi, Allaha u naxariistee Taliyaha ayaa waxaa toogtay koox hubaysan xil uu ku sugnaa kuna tukaday salaadii cishe Masjidka dulqarnayn ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyihii hore ee ciidanka Birmadka gobalka Mudug C/rashiid gabi gabi ayaa xiliga la dilay aysan la socon wax istaaf ah maadaama uu salaadii cishe uu ku soo tukaday Masjidka dulqarnayn . kooxaha dilalka ka fulay magaalada Gaalkacayo gaar ahaan dhinaceeda Waqooyi ayaa inta badan dilalkooda la beegsada qofka ay rabaan in ay dilaan xili uu ka soo baxayo Masjidka uuna soo tukaday salaada cishe ama Maqrib.

Allaha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Birmadka gobalka Mudug C/rashiid gabi gabi ayaa waxaa meydkiisa la dhigay Cisbitaalka guud ee magaaladda Gaalkacyo.

Dilka Taliyihii hore ee ciidanka Birmadka gobalka Mudug C/rashiid gabi gabi ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili magaalada Gaalkacyo ay bilihii danbe aysan ka dhicin wax dilal qorshaysan ah maadaama magaalada loo sameeyey ciidamo isku dhaf ah oo suga amniga magaalada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online