W-murtiyeedka Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland.

July 12, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu Shir-Guddoominayey Madaxwey naha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arimaha kala ah Amniga dalka, Xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Iyo Warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo warbixin  ka dhagaystay Wasaaradda Amniga ayey ku sheegtay in guud ahaan dalku xasiloon yahay, waxayna golahu cadeeyeen in si dhow loola socdo talaabo cadna laga qaadayo isku-dayada malgan ee ay maleegayaan nabadiidku gaar ahaan maleyshiyaada kasoo duulay Hargaysia.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo ku dheeraday Amniga dalka ayaa faray shacabka Puntland inay lashaqeeyaan laamaha Amniga gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee u taagan difaaca iyo xoreynta dalka.

Ansixin Xeerka Tayo-dhowrka Kheyraadka Badda Puntland.

Golaha xukuumada Dawlada Puntland oo warbixin kooban ka dhageystay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa ansixiyey xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Puntland.

Xeerkaan oo qeexaya ka faa’idaysiga guud ahaan kheyraadka Badda Puntland gaar ahaan kaluunka iyo adeegsigiisa casriga ah ayey golaha xukuumaddu si aqlabiyad ah ku meel mariyeen.

Warbixino:

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo kawar bixisay shirkii SDRF ee Muqdisho, sidoo kale guddiga dabagalka iyo tirokoobka gaadiidka Dawladda (GD) ayaa ka warbixiyey habka tixraaca iyo adeegsiga gaadiidka Dawladda.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online