War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

July 30, 2018 - Written by Editor

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya;

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka;

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dadaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah. Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

———–DHAMMAAD———

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online