Cadaado oo lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan waxbarashada Madaniga.[Masawiro]

August 28, 2018 - Written by Editor

Cadaado:-Tababarkan oo socday muddo afar maalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Gal-Mudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ujeedada tabarkan ayaa ahayd in dadka loo tababaro waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ay sii gaarsiiyaan dadka ku nool deeganada Galmudug iyaga oo kaashanaya wasaradda arrimaha dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 qof oo ka kala yimid bulshada rayidka ah iyo shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu baranayay casharro ka hadlaya waxbarsahada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweyanaha ee arrimaha dastuurka, waxaana dadka ka soo qayb galay ay ka doodeen mowduucyo ay ka mid yihiin tallaabooyinka ugu haboon ee loo mari karo fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee deegaanada hoos yimaada Galmudug iyo sida loo wajihi karo caqabadaha lala kulmi karo inta lagu guda jiro fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha.

Ugu horrayn, waxaa kulanka xiritaanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Galmudug mudane Zakarie Mohamed Ahmed waxa uuna ku booriyay dadka ka faa’iidaystay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka dadka kunool deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada Galmudug si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurkooda.

Dhanka kale, agaasimaha wacyigalinta ee wasaaradda arrimaha dastuurka XFS mudane Abdikani Ali Adan oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadka qaatay tababarka in ay u sii gudbiyaan risaalada loo dhiibay dadka kale ee aan fursadda u helin in ay tababrkaan qaataan. Sidoo kake, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Dastuurka XFS Mohamed Bashiir Omar oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu qorshayaasheeda ay ka mid tahay in la gaaro dhammaan dadka Soomaaliyeed si loogu wacyi galiyo arrimaha dastuurka.

Waxaa kulanka si rasmi ah u soo xiray wasiirka dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug Mudane, Maxamed Colaad isagoo ku dhiiragaliyay ka soo qaybgalayaasha in ay doorkooda ka qaataan sidii loogu wacyigalin lahaa bulshada Galmudug ka qaybgalka Dib-u-Eegista Dastuurka.

Gabagabadii, dadkii ka soo qaybgalay tababarka ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya in ay qaaateen tababarka waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online