Ciidamada PMPF oo Al Shabaab ka qabsaday deegaano muhiima buuraha Calmadow

August 12, 2018 - Written by Editor

Ciidamada badda dowladda Puntland ee loo yaqaan (PMPF) ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka fuliyey Buuraha Calmadow waxaana ay malayshiyaadka Al-shabaab ka saareen buurta Habar-humbulo iyo ceelka lagu magacaabo”Ceel unkud” oo Al Shabaab Saldhig u ahaa .

Sarkaal sare oo ka tirsan cutubyada la-dagaallanka argagixisada ee ciidamada(PMPF) ayaa waxaa uu la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howl gasha Puntland isaga oo sheegay in ay khasaaro kala duwan u geysteen waxaa kale oo uu sheegay in hub iyo keydkii raashinta iyo dawada ay gacanta ku dhigeen .

Kooxdii Al-shabaab ee ayaa firxadoodka u cararary buuraha fog ka dib markii ay ciidamadu weerar xooggan ku qaadeen,waxaana sarkaalkan sheegay in aysan wax khasaaro ah dhankooda soo gaarin .

Ciidamada badda dowladda Puntland eeloo yaqaan (PMPF) ayaa waxaa ay Al-Shabaab ka saareen buurta Habar-humbulo oo uu ku yaalla ceelka”Ceel unkud” oo il-biyood muhiima u ahaa malayshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab oo buuraleeyda Calmadow ku dhuumaaleysta.

Ciidamada dowladda Puntland ee PSF iyo PMPF ayaa maalmahan dambe sare u qaaday howlagalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab waxaana loo geystay kooxda Al Shabaab khasaaro baaxad leh .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online