Doorashada Puntland oo la shaaciyey Waqtiga ay dhacayso (Daawo).

August 14, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Kulanka 24aad ee Kalfadhiga 41aad ee barlamaanka Puntland ayaa waxaa xildhibaanadu warbixin kala duwan ka dhageyteen gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland waxaana ay gudiga doorashada Puntland ay sheegeen in ay ku guulaysan in doorashadu u dhacdo qof iyo cod iyaga oo codsaday in sanadka danbe qabtaan doorashooyinka golaha deegaanka 8-da bisha Jannaayo ee sannadkan soo socda 2019.

Golaha wakiilada ayaa dood dheer kadib isku raacay in doorashada madaxtinimada iyo barlamaanka lagu qabto xilligeedii waxaana go,aanka ku dhawaaqay guddomiyaha Golaha wakiilada Puntland,Axmed Cali Xaashi.

Go’aankan ay Baarlamanka dowlada Puntland qaateen ayaa meesha ka saaraya tuhunkii ay qabeen siyaasiyiin iyo Musharaxiin u taaganaa xilka madaxtinimada ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

243,634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>