Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib-u-curashada dawladnimada dalka”

August 13, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

“Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online