Waa kuma Abdifitaax Maxamed Cali oo shalay ururka Al-shabaab ay ku dileen magaalada Buuhoodle

August 2, 2018 - Written by Editor

Buuhoodle:-Allaha u naxariistee Abdifitxaa Maxamed Cali waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho qiyaastii 1974 waxaan uu ka baxay Iskool hoose dhexe ee Siyaad ee degmada wada jir ka dib waxaa uu waxbarshadiisii sare ku qaatay Jaamacadda Ocian dhamaadkii 2003.

Allaha u naxariistee Abdifitaax Maxamed Cali waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradii saxwada Islaamiga ka mid noqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaliya waxaana uu madax ka noqday Markiska Ibnu Baaz ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Abdifitaax Maxamed Cali markii burburku dhacay waxaa uu ka mid noqday ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee dagaaladu dhexmareen Qabqablayaashii harsiga iyo hoyaadka u diiday shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa Koonfurta Soomaaliya gaar ahaa magaalada Muqdisho waxaana uu noqday Gudoomiye ku xigeenkii Maxkamada Islaamiga ee Gobollka Jubbada Hoose ee uu gudoomiyaha u ahaa Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo hadda ah Madaxweynaha jubbaland.

Markii Maxkamadihii islaamka laga adkaaday 2006-dii oo ciidanka Itoobiya ay soo galeen dalka iyagoo taageeraya dowladdii ku meel gaarka ee uu hogaaminaya madaxweyne Col Cabdulaahi Yusuf Axmed , Abdifitaax Maxamed Cali waxaa uu ka mid noqday xubnihii Maxkamadaha Islaamiga ee aaday dalka Sacuudiga si ay u soo xajiyaan.

Allaha u naxariistee Abdifitaax Maxamed Cali ayaa waxaa ka mid noqday markii danbe ururkii Isbahaysiga dib u xoraynta ee xaruntiis ahayd Asmara waxaan uu noqday Xoghayihii Sh Shariif Sh Axmed oo isagu ahaa gudoomiyaha ururka.

Allaha u naxariistee Abdifitaax Maxamed markii ururkii dib u xoraynta ay labo garab u kala jabeen markii ay dowlladii ku meel gaarka ay la heshiiyeen Abdifitaax waxaa ku biiray garabkii Sh Xassan Daahir Aweys oo ka horyimid heshiiskii dalka Jabuuti ay ku wada gaareen dowladdii ku meel gaarka ee uu hogaaminayey madaxweyne Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Sh Shariif Sh Axmed

Allaha u naxariistee Abdifatax markii la aasaasay ururkii hubaysnaa ee Xisbul Islaam oo uu gudoomiyaha uu ka  noqday Sh Cumar Iimaan waxaa uu ka mid noqday ururka waxaan uu noqday Xoghayihii Maaliyada ee Xisbul Islaam isagoona noqday xubnihii ugu firfir coonaa.

Ururkii Xisbul Islaam ayaa waxaa la wiiqay awoodiisii waxaa ururka Al-shabaab ay ku qaadeen dagaalo iyagoona ka saaray deegaanadii ay kaga sugnaayeen ee Koonfurta Soomaaliya waxaan markii danbe hogaankii ururkii xisbul Islaam ay noqdeen wax ku dhinta gacantii Al-shabaa iyo qaar isku dhiibay ama ku biiray ururka Al-shabaab

2013-kii ayaa markii magaalada Baraawe ay Al-shabaab ku dileen Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan ayaa habeen madow ay degmada Baraawe ka baxsadeen Sh Xassan Daahir Aweys iyo Abdifitax Maxamed Cali iyagoona tegay degmada Cadaado walow markii danbe loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho oo mudo 5 bilood ah uu ku xirnaa Abdifataax Maxamed Cali.

Markii Abdifitaax Maxamed Cali laga soo daayey Xabsiga waxaa noqday la taliyaha Ra’iisul wasarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar cabdirashiid wixii intaas ka danbeeyeyna waxa uu ahaa xubin firfircoon oo ka dhex muqda siyaasada waxaana mar uu u tartamay in uu ka mid noqdo xubnihii Aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ka soo galayey maamulka Jubbaland walow looga adkaaday. 

Allaha u naxariistee Bilihii danbe ayaa Abdifitaax Maxamed Cali waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada SSC oo aad ugu mashquulsanaa xasilinta Gobolka waxaana mar uu noqday xubin firfircoon ka Muqdisho u fadhiyey maamulkii Khaatumo.

Alllaha u naxariistee Abdifitaax Maxamed Cali ayaan intii aan la dilin waxaa uu ku sugnaa degmada Buuhoolde isagoona ka waday Abaabul siddii ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa waxaan bilhii danbe uu tageersanaa maamulka Puntland ka dib colaadii ka soo cusboonaatay Gobolka Sool gaar haan deegaanka Tukaraq.

Ma ah shaqsigii ugu horeeyey ama ugu danbeeyey ee Al-shabaab ay dilaan oo ka tirsanaa ducaada ama hogaankii xisbul Islaam balse mudo ka yar sanad ayaa waxaa ay ku dileen Sh Ibraahim xaaji caddow Afhayeenkii Shuurada Xisbul Islaan Halkaan ka Daawo Sh Xasan Daahir oo ka hadlay cid dishay Ibraahim xaaji Cadow iyo Abdifitaax Maxamed Cali xoghayihii maaliyada ee Xisbiga halka Gobolladii ay ka talina yeen ay ku khaarijiyeen xubno muhiim ahaa oo ay isku dhawaayeen Sh Xassan Daahir Aweys oo aan ka xusi karn.

1. Sheekh Maxamed Tahlii.

2. Bare Cali Bare.

3. Axmed Cabdullaahi Waayeel,

4.Prof. Ibrahim Xassan Caddow.

5.Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole

6. Cagaweyne oo ahaa  Madaxii Maxkamada Al-furqaan ee Muqdisho.

7.Shariif Karaaye

8. Faarax Yare

9. Maxamuud Garweyne

10.Sh Ibraahim xaaji caddow

11.Abdifitaax Maxamed Cali.

Waxaa diyaariyey Wariye
C/casiis Maxamed
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online